Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni ayaa ka hadlay sida uu u arko Magacaabista Raisulwasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Saciid Deni ayaa sheegay in aysan jirin wax wada-tashi ah oo lagala yeeshay magacaabidda Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre isago walaac ka muujiyay arrintaas.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa walaac ka muujiyay sida uu u dhaqmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu magacaabayay Ra’iisul wasaaraha.
Hadalkaan ayuu Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ka sheegay kulan uu Magaaladda Garoowe kula qaatay Xildhibaanadda baarlamaanka Puntland kuwaasi oo dhankooda bilaabay kulamo lagula xisaabtamaayo Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ku guuldareystay dagaal siyaasiyeedkii uu la galay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo).
Saciid Deni ayaa waxaa soo gaaray guuldarooyin siyaasadeed maalmo gudahood waxa uuna waayay Xilalka ugu sareeya Dalka sida Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha oo damac weyn ugu jiray in uu helo.
Inkastoo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni uusan si cad u sheegin in uu mucaarad ku noqonayo Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,balse waxa ay tani u muuqaataa mid uu aad kaga xumaaday magacaabista Raisulwasaare Xamza cabdi Barre oo kasoo jeeda dhanka Jubbaland.

