Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Shaqa Joojinta Shirkadaha Diyaaradaha

0

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa beenisay iney jirto wax khatar ku ah amniga diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, iyadoo ay jirto walaac ku aadan shaqo joojin ay ku dhawaaqeen diyaaradaha gudaha.

“Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS), HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah” . ayaa lagu yiri qoraalka.

“Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso”. ayaa lagu soo xiray qoraalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here