Somaliland oo Si kulul Kaga Hadashay Facilkii uu Sameeyay Safiirka Somaliya Kenya

0

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay talaabadii uu shalay qaaday Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), oo isaga baxay shirk ka dhacayay magaaladda Nairobi.

War saxaafadeed ay soo saartay Soomaliland ayaa waxa ku sheegtay in ka carootay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambasadoor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaas oo ka baxay shir uu madaxweynaha Kenya Uhuru u yeeray ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay caddeyn u tahay cadownimada iyo nacaybka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda.

War Saxaafadeedka ayay sidoo kale Somaliland ku sheegtay inay tahay dalmadaxbannaann oo dimuqraaddi ah oo dooneysa in si nabad ah ay kula noolaato waddamada dariska la ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

“Somaliland waxay ka xun tahay tallaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya, kaasi oo maanta si deg deg ah uga soo baxay qado diblomaasiyadeed. Soo dhaweynta ayaa waxaa sameeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana loogu talo-galay diblomaasiyiinta ku sugan Nairobi. Safiirka Soomaaliya ayaa uga tegay qadada sababo la xiriira aragtidiisa ku aaddan ka qaybgalka Somaliland ee xafladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here