Xildhibaanada golaha shacabka baarlamanka Somaaliya, iyo aqalka Sare ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho.
“Xildibaano maanta oo Axad ah Tariikhdu tahay 12 June, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray gudoonka golaha shacabka.
Agendaha kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda sanadka 2022-ka.
Dhawaan golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey 26kii bishii hore miisaaniyadda dowlada ee sanadkan 2022-ka oo gaareysa ,($918.7M) ama lacag ku dhow hal bilyan oo dollar.

