Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya waxaa goordhaweyd ka furmay Shirka Watashiga Madaxda Dowladd Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyadda, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka waxaa shir Gudoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,waxaana ka qeyb galaya Raisulwasaaraha Xukuumadda Xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda Puntland, Jubb;land, Koonfur Galbeed Soomaaliya, Hir-shabeelle, Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda cusub iyo maamul goboleedyada iyo sidii latashiyo madaxda loogala sameyn lahaa dadaalada uu madaxeyne Xasan Sheekh ku soo magacaabayo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.
Shirkan oo ah kii ugu horreeeyey oo rasmi u dhexmara Golaha tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kalr diirradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo abaaraha.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo xaqiijiyay qabsoomida shirkan ayaa carabka ku dhuftay inuu ka dhacayo madaxtooyada oo ay haatan ku sugan yihilin madaxda qaar ee la casuumay.
“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda soo gaaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkan oo uu kaga qeybgalayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee saaka u furmaya Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraal lagu dabacay boga Facebook ee madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kaga qeybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee saaka u furmay Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ahaa mid is xog waraysi iyo kala warqaadasho ah ayaa socon doona mudo labo maalmood ah iyadoo lagu gorfayn doono xaalada guud ee dalka iyo waxyaabaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed.








