Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ujeedka kormeerka ayaa ah u kuurgelidda hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kulamo la leh haatan, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu isbadalo uu ku sameeyo taliyayaasha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,wuxuuna haatan u kuurgalayaa xaaladda ciidamadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here