Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo jaangoysay sicirka adeega Xajka

0

Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliy ayaa soo saaray jaangooyada sicirka adeega Xajka ee sanadkan 1443/2022.

Guddiga ayaa wadarta guud ee sicirka adeega Xajka ee sanadkan ka dhigay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar).

Sidoo kale guddiga ayaa shirkadaha u adeegayada xujeyda Soomaaliyeed faray in ay sare u qaadaan tayada adeegooga.

Soomaaliya waxaa sanadkan ka baxaysa xujay gaaraysa 5,000 waxaana qaar ka mid ah dowlad goboleedyada cabasho ka muujiyeen saamiga ay ha helaan tiradaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here