Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashadda ka timid Maamulka Somaliland ee ku aadan arrimaha Xajka.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka xajka iyo sida Dowlada Soomaaliya u qeybisay sanadkaan.
Waxa uu sheegay inaysan iyagu waxba ku qaybin qaab qabiil iyo mid Dowlad Goboleed toona, balse ay wax ku qaybiyeen shuruudihii ay dejiyeen shirkadihii soo buuxiyay oo keliya.
“Waxaan rabaa ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee Xajka dooneysa inaan u caddeeyo Xajka laguma qaybin qabiil, deegaan ama Maamul Goboleed ee waxaa lagu qaybiyay sharikaad, oo ah yaa ka bixi karo arrintan oo horey uga shaqayn jiray oo Xaajiga Soomaaliyeed dhibaatada haysa iyo culeyska ku haystaa wadankaasi oo ka warqabno dal ajnabi ah oo aysan aqoon u lahayn”,ayuu yiri Wasiirka.
Maamulka Somaliland iyo Maamulo kale ayaa cabasho ka keenay sida loo qeybiyay xujeyda sanadkaan,waxayna eedeen u jeediyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sanadkan la siiyay tiro dhan shan kun iyo laba boqol (5,200), halka sanadkii horena la siiyay kow iyo toban kun iyo shan boqol (11,500).

