La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshadda oo ku aadan in uu la kulmay saraakiil Ethiopian ah.
Arintaan ayaa lagu baahiyay baraha bulshadda,waxaana lagu sheegay in La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya uu jabuuti kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka kooxda TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethiopia.
Waxaa la sheegay in uu kala hadlay xasaradaha bani’aadaminimo ee ka taagan gobolka Tigray iyo amniga gobolka.
Balse La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa wararkaas been abuur ku tilmaamay.
“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo dhigay twitter.

