Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo deegaanka Bariire hoostaga ka fuliyay, howlgal ka dhan ah Shabaab oo ay ku baacsanayeen horjoogaha tuulooyinkaas ugu magacaabban Shabaab.
Ciidanka Xoogga ayaa inta uu howlgalka socday waxaa ay ku guuleysteen inay tuulada Tawakal ku gubaan Doon ay Al-shabaab isaga kala gudbi jirtay tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku raran jireen baadda ay shacabka masaakiinta ah ka qaataan.
Waxaa howlgalkaas qorsheysan hogaaminayay Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Shekh, qeybna uu ka ahaa Gudoomiyaha deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.



