Madaxda Mucaaradka Somaliland, ayaa rajo xumo ka muujisay kulamo loogu hadlaayay doorashooyinka ay la qaateen Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, guddoomiye ku xigeenka xisbigaa, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo musharaxa madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, oo xalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in natiijo xumo ay kala soo laabteen wada-hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi.
Mucaaradka ayaa sheegay in ay madaxweynaha kala hadleen, in uu faragalinta ka daayo guddida doorashooyinka, in diwangalintii codbixiyayaasha la bilaabo iyo in uu sicad u sheego in doorashada madaxtooyada uu qabanayo 13, 11, 2022, Lakin waxay sheegeen in anay jawaabo cad cad ka helin.

