Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la wareegaya Xilka Madaxweynaha.
Musaabadd uu xilka kula wareegayo ayaa maanta ka dhacaysa xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,waxaana ka qeyb galaya mu’uuliyiin kala duwan iyo Madaxweynaha xilka wareejinaya.
Amaanka Magaaladda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana la xirey qaar kamid ah wadooyinka gala Madaxtooyadda Soomaaliya.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ku guuleystay doorasho 15-kii bishaan ka dhacday Magaaladda Muqdisho.
Hawlaha ugu horeeya ee lagu wado in madaxweynaha cusub uu qabto ayaa waxaa ka mid ah magacaabista agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

