Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in magaaladaas lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn loogu yaqaanay magaaladda.
Dilkaan waxa fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa kuwaasi oo toogtay wiilka dhalinyaradda ahaa oo lagu magacaabi jirey Sakariye Saciid.
Ala ha u Naxariistee Sakariye Saciid ayaa kamid ahaa dhalinyaradda u ololeynayay Nabadda Magaaladda gaalkacyo.
Sidoo kale Sakariye Saciid ayaa kamid ahaa Saraakiisha dowladda Hoose ee Puntland.
Kooxihii falkan dilka ah ka dambeeyay ayaa weerarka kadib goobta isaga baxsatay, waxeyna ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen dhalinyaro lala xiriiray falkaan.

