Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Kulan La Yeeshay Safiirka dalka Itoobiya

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Safiirka oo Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, ayaa sidoo kale, ka wada hadlay adkaynta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal.

Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa mudooyinkii dambe waday kulamadda uu la qaadanayay Madaxda Dowladda cusub ee Soomaaliya,kuwaasi oo kusoo baxay doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkaan 2022-kii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here