Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil xalay ka dhacay mid kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir,waxaana fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay nin magaciisa lagu sheegay Cusmaan, kaasi oo la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Gobolka Banaadir ka shaqeeya.
Ragii dilka fuliyay ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana goobta laga qaaday meydka sarkaalka ka Tirsanaa Gobolka Banaadir.
Magaaladda muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka qorshaysan ee loo geysanayay dadka dowladda u shaqeeya,waxaana inta badan sheegta dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

