Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa markii ugu horeysay fursad loo siiyay in uu kulan la yeesho qoyskiisa iyo asxaabtiisa.
Muqtaar Roobow ayaa laga soo qabtay magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maalmo ka hor doorashadii Maamulkaas ka dhacday sanadkii 2018-kii.
Wuxuu ahaa musharax si weyn uga soo horjeeday Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo taageero ka helayay Madaxweynaha doorashadda lagaga guuleystay ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Hay’adda NISA ayaa dhawaan sheegtay in Xaaladda Muqtaar Roobow ay wanaagsan tahay,islamarkaana ay gacanta ku hayso Hay’adda.
Warqad uu ku saxiixnaa Ku-simaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, waa arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.
Sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in Roobow lagu bixiyo noloshiisa bil walba 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab.
Eheladda Muqtaar Roobow ayaa dhowr jeer ku celceliyay in xaaladda Shiikh aysan ka warqabin,islamarkaana xanuuno ay lasoo darseen.

