Akhriso:-Hadaljeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Oo  Maanta la bilaabayo

0

Guddiga isku dhafka ah ee doorashadda Madaxweynaha Soomaliya ayaa maanta bilaabaya dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Teendhada Afiyooni ee Magaaladda muqdisho ayay ka dhici doontaa dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana goobta tagi doona Xildhibaanadda Labadda aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maanta waxaa jadwalka ku qoran 20-musharax ay kamid yihiin Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Iyo raisulwasaare hore Xasan Cali kheyre,wuxuuna musharax walba haystaa 15-daqiiqo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday kana mid ah musharaxiinta ayaa waxa uu hortagi doonaa xildhabaanada baarlamaanka maalinta labaad ee hadaljeedinta oo ku beegan 12ka bishan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here