Maxkamadda Ciidamadda Milatariga ee Somaliland ayaa maanta Xukun dil ah ku xukuntay Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadda Milatariga, kaasoo loo heysto dilka gabar dhalinyara eheyd.
Go’aan maanta ay soo saartay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac lagu xukumay xukun dil ah kadib markii uu qirtay dilka Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.
Najma Cabdillaahi Maykal ayaa la dilay xili ay u sooctay dukaan ay dooneysay iney ka asoo adeegato, iyadoo isu diyaarineysay guurkeeda oo malamo kooban uu ka harsanaa.
Gudaha Maxkamadda waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga Somaliland, ehelada Marxuumada iyo Sarkaalka xukunka lagu riday iyo dad kale.

