Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa kordhiyay feejignaantooda kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Shabeelada dhexe ee koonfur galbeed magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan toban askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta.
Sida ay sheegayaan wararka, laba qarax oo waaweyn oo loo malaynayo inay ahaayeen baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xerada ATMIS oo ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi, waxaana xigay rasaas xooggan oo ay isweydaarsadeen Shabaab iyo ciidamada Burundi.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Ceelbaraf ee 3-dii bishan.
Telefishinka dowladda Burundi ayaa sheegay in 25 askari oo kale lagu dhaawacay weerar lagu qaaday xero ku dhow tuulada Ceelbaraf ee bartamaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu dilay 20 ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa jirta cabsi ah in Al-shabaab ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah Kenya.
“Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya ka dib dhammaadka Ramadaan iyo ka dib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi,” ayuu yiri sarkaal ka warqabay qorshayaasha.
Sarkaalkan ayaa sheegay in ay kordhiyeen ilaalinta xuduudka weyn, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo qorshayaasha ay wadaan Shabaab.

