Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta bilaabaya diiwaangalinta Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya.
Xarunta Diiwaangalinta Musharixiinta ayaa la dhigay qeyb kamid ah Xarunta Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Diiwaan gelinta musharixiinta ayaa socon doonta ilaa 10-ka bishan oo ku beegan maalinimada Talaadada ah ee todobaadkaan.
Shuruudaha Musharixiinta ayaa waxaa kamid ah Musharaxa u taagan xilka madaxweynaha waxaa laga doonayaa inuu bxiyo lacag $40,000 (Afartan Kun oo Doolar) iyo inuu heysto saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan musharaxnimadiisa, sida ay shacaiyeen guddiga doorashada.

