Wararka ka imaanaya Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay xalay Magaaladaas ay ku dileen askari ka Tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne.
Sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka Magaaladda Baladweyne,askariga la dilay ayaa kamid ahaa askarta ka howlgasha saldhiga magaaladda Baladweyne,waxaana magaciisa lagu sheegay Shuute Cabdullaahi.
Ala ha u Naxariisteen Shuute Cabdullaahi ayaa kamid ahaa dhalinyarada kamid ah Booliska Soomaaliyeed ee sida weyn loogu yaqaanay guud ahaan Magaalada Baladweyne,waxaana dilkiisa fuliyay kooxo ku hubeysnaa bastoolado.

