Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Laga dalbaday 10 qodob oo ku saabsan Macluumaadka xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka).
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen labada xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Cabdikariin Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ayaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal looga dalbaday 10 qodob oo ku saabsan macluumaadka xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
10-qodob ee laga codsaday guddiga heer federal ayaa kala ah:
1 – Shahadooyinka Xildhibaanada
2 – Shahaado dugsiyeed – aqoontiisa
3 – Sawirka baasaboorka ama warqad kale oo sugeysa aqoonsiga shakhsiga
4 – Afar sawir oo xildhibaan kasta laga rabo
5 – Cadeynta shaqo ka tegidda iyo cadeynta ogolaashaha hey’adda dowladda ee uu ka tirsanaa jiray.
6 – Taariikh nololeedka Xildhibaan
7 – Magaca deegaan doorashadiisa
8 – Duqa ama duubabka beesha kursiga leh
9 – Ergada soo dooratay
10 – Qofka ama dadka la tartamay natiijada ay ku kala badsheen.


