Cabsi Soo Wajahday Soomaalida Ku Nool Dalka Ukraine

0

Dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa saameyn xoogan ku yeeshay qaar kamid ah Soomaalida halkaas ku sugan gaar ahaan ardeyda waxbarashada u joogta.

Qaar ka mid ah ardeyda waxbarashadda u joogta dalka Ukraine ayay caqabad ka haysataa sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaasi iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu soo gaarto magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Mid kamid ah ardeyda waxbarashada u jooga dalka Ukraine ayaa sheegay in qaar kamid ah saaxibadiisa ay isla joogeen ay u talaabeen dalka dariska ah ee Poland.

C/raxmaan Xasan oo kamid ah ardeyda waxbarashadda u joogta dalka Ukraine ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday.

Dhanka kale Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa ka mid ah laba safaaradood oo ka shaqaynayey wax u qabashada dadka Soomaalida ah ee ka soo cararaya dalka Ukraine.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here