Dowladda Mareykanka ayaa ka mamnuucday mas’uuliyiin Soomaali ah iyo shaqsiyaad kale in ay u safraan Mareykanka.
Xubnahaan ayaa lagu eedeeyay inay waxyeeleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Dowladda Soomaaliya ay waqtiga kale ku dartay jadwalka doorashadda oo lagu heshiiyay in lasoo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan February.
“Hadda waxaan ku soo rogaynaa xannibaad fiisaha iyadoo la raacayo siyaasadda ka dhan ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu yiri Blinken.
Ma jirto dowlad dhexe oo muddo 30 sano ah ka jirtay Soomaaliya, taasi oo lagu qabtay hannaan doorasho oo aad u dheer oo marar badan loo qabtay loolan awoodeed oo u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee aqalka hoose, iyagoo markaasi dooranaya madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.
Xogta ka soo baxday xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa muujineysa in 4.3 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay saameeyeen abaaro, iyadoo 271,000 ay barakaceen.
Al-Shabaab oo inta badan weeraro qoryo iyo qaraxyo ah ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashada.

