Guddiga Doorashada Hirshabelle ( SEIT) ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid qabsoomida doorashadii la qorsheeyay in maanta oo Sabti ah 26/02/2022 ka dhacdo Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada Hirshabelle ( SEIT) ayaa lagu sheegay in doorashadda maanta lagu waday in la qabto loo badalay 27-ka oo maalinta axad ah.
“Guddiga Doorashada Hirshabelle ( SEIT) waxa uu ku wargelinayaa dhamaan umadda somaaliyeed iyo Murashixiinta in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa Maalinta Bari oo ah Sabti 26/02/2022 Sababo Farsamo awgeed.
Sidaa daraaadeed Doorashda 6 kursi ayaa dib loogu dhigay Maalinta axada 27/02/2022 Hadii Alle idmo.
Kuraasta doorashadooda la qaban doono Maalinta axada ayaa kala ah ;
✅HOP#006
✅HOP#022
✅HOP#003
✅HOP#032
✅HOP#252
✅HOP#068

