Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta degmada Dharkeenley uga qeyb galay kulanka ololaha wacyigalinta ka hortaga Maandooriyaha kaas oo si taxana ah uga socda dhamaan degmooyinka iyo deegaanada magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyahaasha degmooyinka, agaasimayaal, saraakiisha ciidamada amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Dharkeenley.
Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo bulshadii kulankan goob jooga ka aheyd in ay si mideysan meel ugu soo wada jeestaan la dagaalanka Daraaagiska kaas oo caqabad ku ah horumarka iyo Xasiloonida Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in qaraxyo ay ka dhacaan Magaaladda Muqdisho,wuxuuna bulshadda ugu baaqay in arintaas lagu garab siiyo dowladda.

