Wiil Dhalinyaro ahaa oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Magaaladda muqdisho ku dilay mid kamid ahaa dhalinyaradda ku shaqeysata gaadiidka dhaweeyaha loo yaqaano.

Falkaan ayaa ka dhacay Ex-control Balcad Magaalada Muqdisho.

Askari ka Tirsan ciidamadda dowladda ayaa la sheegay in uu si bareer ah u toogtay wiilka dhalinyaradda ahaa oo magaciisa lagu sheegay Alam Bin Abu Mohamed.

Marxuunka ayaa ku shaqaysan jiray gaari Dhaweeye ah oo uu watay xiligii dilka uu u gaystay askarigu.

Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysa dilka wiilka dhalinyaradda ahaa,balse tan ayaa kamid ah dhaqamadda ciidamadda Dowladda ay ka geystaan Magaaladda Muqdisho,waxaa gacantooda ku maqan dhalinyaro ku shaqeyn jirtay gaadiidka bajaajka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here