Doorashadda Xildhibaanadda Banaaadirga oo Muqdisho Ka Bilaabanaysa

0

Guddiga Maamulka doorashooyinka Banaadiriga ayaa bilaabaya doorashadda kuraas kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Bilaabashada doorashooyinka Banaadiriga ayaa hakad ku jirtay khilaaf jirey awgii,balse haatan waxa ay u muuqataa in laga heshiiyay.

Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha Guddiga Maamulka doorashooyinka Banaadiriga Sahro Cali bolay ayaa sheegtay in ay shaaciyeen Jadwalka doorashada 5ta kursi ee beelaha Banaadiriga.

“GHDHF waxa ay shaacinayaa in Guddiga Maamulka Doorashooyinka Xildhibaanada Banaadiriga ay ku dhawaaqeen Jadwalaka doorashada 5ta kursi ee beelaha BANAADIRIGA ku matali doona Golaha Shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Mogadishu”, ayaa tiri Gudoomiyaha Guddiga Maamulka doorashooyinka Banaadiriga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here