Zakariye:-“Mareykanka Waxba Kama Badali Karo Boobka Doorashadda”,!

0

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji, oo haatan ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya,islamarkaana afartii sano aynu soo dhaafnay kamid ahaa Xildhibanadda Baarlamaanka Soomaliya ayaa ka hadlay caga-jugleynta wadamada reer Galbeed ee Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayay idaacadda Simba ayuu sheegay in qoraalada adag ee kasoo baxaya reer Galbeed ay yihiin kuwa aan afka dhaafsiisneen,islamarkana ay sii soconayaan boobka lagu hayo doorashadda dalka ka socota.

Waxa uu sheegay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay si cad u wado boobka lagu hayo doorashadda Xildhibaanadda golaha shacabka,balse mareykanka iyo kuwa lamidka ah aysan arrimahaas waxba ka badali karin.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in doorashadda dalka haatan ka socota ay tahay tii ugu musuq-maasuqa badneyd,madaama Xildhibaandda haatan soo baxay ay u badan yihiin kuwa lasoo xushtay.

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday iny xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay mas’uuliyiin hadda ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa horay uga tirsanaa oo lagu eedeeyay carqaladeynta geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya oo la carqaladeeyo inay ka dhalan karto cawaaqib xun. Hadalkiisa ayuu jeediyay Talaadadii uu ke beegan hal sano markii uu dhmmaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here