Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu doortay Laba Kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursiga koowaad waxaa ku guuleystay Maxamed Abuukar Cali”Jacfar” kaasi oo tirsigiisa uu yahay HOP#025 kadib markii si gacan taag ah uu ku helay boqol cod.
Jacfar oo ah sarkaal ciidan,islamarkaana xilal kala duwan soo qabtay ayaa haatan ku magacownaa Gudoomiyaha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa kursiga labaad ku guuleystay Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen )kadib markii ay u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabeey iyado heshay codad gaaraya 71 cod.

