Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo ka Cabanaya Mushaar la’aan

0

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan muddo bilooyin ah.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Axmed Safiina ayaa sheegay in guddiga doorashada ay soo food saartay dhaqaale yari baahsan, hase yeeshe ay doorashada dalka ku wadan si dardar leh.

Waxa uu sheegay in muddo bilooyin aysan qaadanin wax mushaar ah,balse ay sii wadaan howlaha doorashooyinka.

“Mushaaraadka ay qaateen guddiyada waxaa ugu dambeysay bishii October, saddex bilood iyo bisha afaraad ee hadda socotaba may soo bixin, shuruud ayay ku xireen beesha caalamka oo ah in aan soo saarno saddex meelood oo labo dalool, in qoondadii haweenka la dhameystiro iyo shuruud noocaas ah ayay ku xireen, illaa haddana ma dhameystirmin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in mushaaraadka guddiyada doorashooyinka iyo hoteelada ay degan yihiin ay bixineysay Hay’adda UNDP, oo illaa hadda aan bixin saddexdii bilood ee u dambeeyay, taasi oo qeyb ka ah culeyska lagu saarayo guddiyada inay dadajiyaan doorashada.

Afhayeen Safiina ayaa sheegay in marnaba aysan doorashada u istaagi doonin dhaqaale yarida soo wajahday guddiyada doorashada, ayna dadajin doonaan doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo loo go’aamiyay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here