Al-Shabaab oo Muqdisho Ku Dilay Mid Kamid ahaa Ergadii Doorashadda 

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda muqdisho ku dilay mid kamid ahaa Ergada doorashadda Xildhibaanadda ka imaanaya Gobolka Woqooyi ee Maamulka Somaliland.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Carafaad Dagmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa ka dambeeyay dilka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Shaqsiga la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa Ergada doorashadda Xildhibaanadda ka imaanaya gobolka Woqooyi ee Maamulka Somaliland.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka loo geystay mid kamid ahaa Ergadii doorashadda.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan ciidankooda ay ka dambeeyeen dilka ayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here