Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saakay ku wajahan magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Magaaladda Jowhar waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku tagayo Magaaladda Beledweyne.
Cali Guudlaawe ayaa dhowr jeer oo hore ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaaladda Beledweyne sababo amni, waxaa haatan kamid ah xubnaha ku wehelinaya safarkiisa wasiiro ka tirsan xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga.
Wadooyinka magaalada Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.
Dhanka kale Hogaamiyaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Ganaraal Abuukar Xaaji Warsame (xuud) oo xalay shir jaraaid ku qabtay magaaladda Muqisho ayaa ka digay safarka cali Guudlaawe ee Magaaladda beledweyne.

