Imaaraadka oo Soo Dhaweeyay Raaligelintii Xukuumadda Soomaaliya

0

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa soo dhaweysay raaligelintii uu Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay dhacdadii 2018-kii ee lagala wareegay lacagihii iyo kaalmooyinkii loo waday Safaaradda Imaaraadka ee Magaaladda muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha DIbadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in la aqbalay raaligalinta la bixiyay.

Arintaan ayaa timid kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo Raisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ay booqasho rasmi ah ku tageen Imaaraadka Carabta oo ay kula kulmeen Madaxda dalkaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here