Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa shaaciyay qabashada 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Magaaladda Baraawe ee caasimadda Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay guddiga doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa lagu sheegay in doorashadda 130kursi ay ka dhici doonto Magaaladda Baraawe,madaama gaba-gabo ay ku dhow yihiin doorashooyinka ka socda Magaaladda Baydhabo.
Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa Maamulkii u horreeyay ee shaaciya kuraasta taalla deegaan doorashada labaad oo ka mid ah 10 magaalo ee doorashada ka dhaceyso shanta Dowlad Goboleed.


