Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ciidamo kale oo dheeraad ah la geeyo Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamadaan oo ka kala tirsan Gor-gor iyo Haramcad ayaa la sheegay in diyaarad loogu qaadi doono magaaladda Muqdisho, islamarkaana laga dajin doono Magaaladda Beledweyne.
Qorshaha ciidamadaan ayaa ah in ay sugaan amniga Magaaladda Beledweyne,inta ay socdaan doorashadda Kuraasta Golaha shacabka ee laga dooranayo Magaaladaas.
Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in sababta ciidamadaan loo geysanayo Magaaladda Beledweyne ay tahay in magaaladdaas uu tago Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Guuldaawe Xuseen.
Maamulka Hir-shabeelle ayaa soo dhaweeyay Ciidamadda la geeyay magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Hir-shabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay ciidamada la geeyay Beledweyne ay tahay inay dib u furaan waddooyinka Shabaabku go’doomiyeen ee soo gala gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka hiiraan ayaa walaac ka muujiyay Ciidamadda la geeyay Magaaladda Beledweyne,waxayna ku baaqeen in lasoo celiyo Ciidamadaas.

