Qalbi Dhagax:-“ Mas’uuliyadda Koowaad ee Dhiibitaankeygii Waxaa Lahaa Farmaajo”,!

0

Halgamaa C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka ONLF loogu saaray Kooxaha Argagaxisadda sidoo kalana raaligalin lagu siiyay isaga.

C/kariin Qalbi Dhagax oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Nairobi ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu soo dhaweynayo go’aanka kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Farmaajo iyo Kheyre lagala xisaabtami doono dhibaatooyinkii loo geystay kadib markii loo dhiibay Dowladda Ethopia.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Jamhadda ONLF ay si weyn usoo dhaweysay go’aankii Xukuumadda rooble ururka ugu saartay Kooxaha Argagaxisadda.

Sidoo kale Qalbi-dhagax ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay meel kasta dacwo uga dhigayaan raggii ku dhibaateeyey magaca dowladnimada Soomaaliya.

“Mas’uuliyadda koowaad ee dhiibitaankeygii waxaa lahaa Farmaajo, xildhibaano u tegay 20 beri kadib markii la I dhiibay ayuu ku yiri sheegta ninkaas magtiisii anigaa dhiibaye, sidoo kale golaha wasiirrada isagaa fariisiyey markii aniga iyo ONLF argagixisada ay nagu shaabadeeyeen, markii laga reebo 3-xubnood wasiirradu waa u codeeyeen qaraarkaas dulmiga ahaa,” ayuu yiri Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here