Ciidanka Badda Mareykanka oo Gacanta Ku Dhigay Markab Hub Keenay Soomaaliya

0

Ciidamadda badda ee Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay markab marayay gacanka Cumaan oo sanadkii hore hub keenay Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidamada badda Mareykanka Axadii shalay, markabka burburiya gantaalaha ee USS Cole iyo markabka ilaalada ee USS Chinook ayaa markabkaan ka qabtay meel ka baxsan badda Iran.

Markabkan ayaa sida muuqata isticmaalayey dariiqo inta badan loo isticmaalo in uu hubka loogu geeyo dagaalyahannada Xuutiyiinta ee Yemen, sida ay sheegeen ciidamada badda.

Sida Associated Press ay xustay, Ciidamadda Mareykanka ayaa markaan dushiisa ka helay 40 tan oo bacrimin urea ah, taas oo loo isticmaali karo horudhac walxaha qarxa ah,waxaa sanadkii hore lagu xiray markabkaan xeebaha Soomaaliya.

Falkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay markabkaan  ayaa dhacay 6-dii  bishaan Jannaayo, waxaana saarnaa, shixnaddiisa iyo shan shaqaale oo Yemeni ah.

“Hub yar ayaa Yemen si qarsoodi ah loogu soo galiyaa dekedaheeda oo aan si fiican loo maamulin, hubka ayaa ka caawiyay fallaagada Xuutiyiinta in ay meel sare ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan isbaheysiga militari ee uu Sacuudiga hogaamiyo,qabashada Kiimikadan halista ah ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha Yemen ee u dhexeeya xulafada Sucuudigu taageero iyo dagaalyahannada Xuutiyiinta”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Jimcihii, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dilay in ka badan 100 kalena waa lagu dhaawacay Yemen kadib duqayn cirka ah oo Sucuudigu taageero, Weerarkan ayaa lala beegsaday xabsi ku yaalla dalka Yemen, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada dib loogu riixayo fallaagada Xuutiyiinta.

Weerarkan ayaa sidoo kale dhacay maalmo un kadib markii diyaarad Drone ah oo ay sheegteen Xuuthiyiintu ay ka fuliyeen magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo lagu dilay saddex qof,Labo qof oo u dhashay India iyo hal Pakistani ayaa la dilay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Imaaraatka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here