DFS iyo Ururka Midowga Afrika oo Gaaray Heshiis Is-afgarad

0

Guddiga farsamada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa ka miro dhaliyay wadaxaajoodka lala yeeshay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ( AU PSC).

Kulanka ayaa ku saabsan dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, islamarkaana ula wareegi lahayeen ciidanka XDS iyo hay’adaha kale amni.

Ciidamada Nabad illaalinta Midoowga Afrika ee Soomaaliya waxa ay dalka soo galeen 10 sano ka hor, waxayna soo mareen marxalado kala duwan.

Tiradooda waxaa lagu sheegey in ay tahay 22,000 askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Jabuuti iyo dalal kale oo iyagu soo direy unugyo ciidamo ah oo qeyb ka ah AMISOM Police.

Markii ugu horeysey 31 Luulyo 2017-kii waxa dalka ka baxay  kunkii askari ee ugu horeeyey.

Sidoo kale ciidamada AMISOM waxa ay ka baxeyn goobo waaweyn oo caasimada ku yaala sida garoonka ciyaaraha Muqdisho, iyo Xaruntii Jaalle Siyaad, iyaga oo sidoo kale horey u baneeyey jaamacaddii Gaheyr.

AMISOM waxaa soo wajahay sanado ka hor culeys xagga miisaaniyada ah kadib markii Midowga Yurub uu boqolkiiba 20% hoos u dhigey lacagtii AMISOM lagu bixin jirey.

Qorshaha bixitaanka Ciidamadda AMISOM ayaa ah in Ciidamadda AMISOM laga saaro goobaha Muhiimka ah ee Magaaladda ku yaala ay wali ku sugan yihiin,waxaana la wareegaya Ciidamadda Dowladdda Soomaliya.

Balse wali ma jiro muddo cayiman oo lagu heshiiyey oo AMISOM gabi ahaanba dalka isaga baxayso, waxayna wax kasta ku xirnaan doonaan horumarka ay sameeyaan ciidamada Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here