Mareykanka oo Ku Hanjabay in Xayiraad uu Saari Doono Soomaaliya!

0

Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay in Xayiraad ay saari doonto Soomaaliya,hadii doorashadda Soomaaliya waqtiga loo qabtay lagu soo gaba-gabeyn waayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price, oo kasoo muuqday muuqaal toos ah ayaa sheegay in mareykanka si weyn kaga niyad jabsan yahay xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in muddo xileedka Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu dhamaaday 8-dii bishii Febraayo 2020,sidaas darteed mareykanka uu diyaar u yahay in uu qaado tilaabooyin wixii xiligaan ka dambeeya oo ay ku jiraan xayiraada Visaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha  Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa ku sheegay go’aankaan uu yahay mid loogu hortagayo in mar kale dib loo dhigo doorashooyinka Soomaaliya oo loo qorsheeyay in markii hore ay dhacaan sanadkii 2020-kii.

“8 Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada”, ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha  Dibadda Mareykanka Ned Price.

Go’aanka Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo Raisulwasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda ay dhawaan gaareen heshiiis ku aadan dhameystirka doorashooyinka Golaha shacabka oo markii hore qorshe uu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo dhamaadkii bishii December 2021-kii.

Heshiiska cusub ay gaareen Madaxda Soomaalida ayaa dhigaya in doorashooyinka Soomaaliya lagu soo gaba-gabeeyo ilaa dhamaadka  25-ka bisha February sanadkaan 2022-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here