Deni oo Laga Dalbaday in uu Ka Laabto Heshiiska DP World ee Dekedda Boosaaso

0

Qaar kamid ah Isimadda dhaqanka Maamulka Puntland ayaa qoraal kasoo saaray Xaaladda Puntland.

Isimada oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa dalab u gudbiyay Madaxtooyadda Maamulka Puntland gaar ahaan Madaxweyne Saciid C/laahi Deni.

Waxa ay ugu baaqeen Xukuumadda Puntland in ay ka laabato Heshiiskii Dekedda Magaaladda Boosaaso ee DP World ee imaaraadka laga leeyahay.

Isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in 17% Dhaqaalaha Dekedda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada, islamarkaana gacanta loo geliyo Isimada dhaqanka.

Lama ogo sida Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ugu jawaabi doono go’aanka Qaar kamid ah Isimada dhaqanka Maamulka Puntland.

06.04.2017-kii, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas waxa uu saxiixey heshiiska wareejinta dekadda Boosaaso, muddo 30 sano ah, waxaa Puntland ku bedalatey adduun dhan $336 milyan oo dollar lagu dhiso dekadda oo u qaybsan laba weji, kan kowaad waa $200 milyan, oo dekadda lagu dhisaayo halka wejiga labaad noqonaayo $136 milyan oo dollar.

Heshiiskan waxaa dhinca Puntland u saxiixay Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca P&O DPWORLD uu usaxiixay Maamulaha shirkada DPWORLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Heshiiska ay sidoo kale wuxuu dhigay in dhismaha dekadda lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Madaxweynaha haatan taladda haya ee Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa cusboonaysiiyay Heshiiska P&O DPWORLD ee Dekadda magaaladda Boosaaso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here