Saraakiil Ka tirsanaa Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee qeybta Galmudug ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Deegaanka Cada-Kibir oo 65KM U Jira Degmadda Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday Deegaanka,waxayna dagaal ay kala kulmeen ciidamdda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaas gaaray.
Dagaal saacaddo socday kadib waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamay.
Dhanka Dowladda waxaa dagaalka ku dhintay Taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari.
Sidoo kale waxaa dagaalka ku dhaawacmay Taliyihii howl-gelinta qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdulqaadir Gasaawe iyo askar kale,balse taliye Gasaawe ayaa u dhintay dhaawicii soo gaaray.
Dhanka Al-shabaab ayaa iyana waxaa soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira,balse lama shaacinin.
Al-shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday deegaanka Baxdo oo u dhow Cadakibir, halkaas oo dadka deegaanku ay sheegeen inay gaarsiiyeen jab xoog leh.

