Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha xil gaarsiinta.
Isagoo kasoo muuqday muuqaal uu soo duubay ayuu sheegay inay tahay mid baalmarsan sharciga iyo dastuurka isla markaana Madaxtooyada iyo Madaxda Maamul goboleedyada mid walba uu raadinayo xildhibaano taabacsan inay soo saartaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in loogu baahan yahay Madaxda dalka in ay Tanaasul ay sameeyeen,loona baahan yahay in la xaliyo wax walba oo khilaafka uu keenay.
Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof jawaari ayaa ka dhanka kale ka hadlay arrimaha la isku haysto ee hareeyay shirka golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka socda.
“Baadil iyo Baadil tartamaya dalkaan dan uma ahan,Madaxtooyada iyo Xukuumadda iyo madaxweynayaasha dowlad oboleedyada waa isku mid, mid walba baadil bay raadineysaa hala xishoodo waxaan dowladnimo maahan,qodobka 99aad faqradiisa F dastuurka waxa uu sheegayaa “Xilka golaha wasiirada, waxaa ka mid ah dhaqangelinta shuruucda sugida nabadgeliyada dalka iyo ilaalinta danaha dowlada waxaa u xilsaaran golaha wasiirada sidoo kale farqada G waxa uu qorayaa xil ka qaadista iyo magacaabista saraakiisha sare ee dowlada waxaa u xil saaran golaha wasiirada.” ayuu yiri Proff Jawaari.

