Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan maanta ka bilowday deegaan duleedka ka ah Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan
Dagaalkaan ayaa waxa uu yahay mid culus oo udhexeya Ciidamada Dowladda iyo Ciidamo Maleeshiyaadka ah oo uu wato sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan uu yimid kadib markii Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen Saldhig Deegaanka Qowlad ay kulahaayeen Ciidamada Uu hogaaminayo nuur dheere
Illo Deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayaan dhaqawaqa raasta iyo hubka culus ee dagaalka laisku weydaarsanayo balse aysan xaqiijinkarin qasaaraha ka dhashay dagaalkaani
Dagaalkaan ayaa waxa uu imaanaya xili habeenkii jimcada ay soo galaysay Maleeshiyaadka uu wato nuur dheere ay weerar xoogaan ku qaadeen kolonyo uu lasocday Guddoomiyaha Gobolka hiiraan Cali jeyte Cusmaan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeele
Waxaana intaasi kadib uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu iclaamiyay dagaalka ka dhan ah Maleeshiyaadka hubeysan

