Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.
kulankaan ayaa waxa uu ka mid yahay kulamada loogu gogol xaarayo shirkii uu iclaamiyay Raiisul wasaare rooble kaasi oo ay isku imaanyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka islamarkaasna la doonayo in lagu xaliyo arima doorashooyinka oo cabashooyin fara badan laga muujiyay.
inta badan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada muqdisho kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qeybgalaan shirka balse waxa jira qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo uu ugu horeyo madaxweynaha koonfur galbeed oo gabi ahaanba diiday in uu shirka uu ka qeyb galo.

