Madaxweynaha Hir-shabeelle Oo Saxeexay Miisaaniyadda Sanadka 2022 Ee Maamulkiisa

0

Madaxweynaha Maamul goboleedka hir-shabeelle Mudane Cali Xuseen guudlaawe ayaa sheegay inuu saxeexay miisaaniyadda maamul goboleedka ee Sanadka 2022.

” Waxaan aan saxiixay miisaaniyadda maamul goboleedka Hir-shabeelle ee sanadka 2022 oo hore uu u ansixiyey Golaha Wasiirada, ayna meelmariyeen Golaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Waxaan bogaadinayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Hir-shabeelle ee sida xilkasnimada leh u gutay waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa ansixinta Miisaaniyadda cusub ee Dowladda.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Hir-shabeelle oo dadaal ku bixisay diyaarinta iyo jaangooynta miisaaniyadda Dowladda Hirshabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here