Cutubyo ka Tirsan ciidankii bilo ka hor magaalada muqdisho laga saaray ee madaxweynaha dalka maxamed cabdulaahi farmaajo ka hor istaagay labadii sano ee muddo kororsiga aheyd ayaa markale xalay lagu adkay magaalada muqdisho.
ciidamadaan oo qeyb ahaan ka tirsan milatariga dalka ayaa waxa ay sheegeen in aysan aqbalayn in amniga magaalada lagu ciyaaro ama wax fuduud laga dhigto oo shaqsi uu sidii doono ka yeesho
sarkaal u hadlay Ciidamada la magacbaxay badbaado qaran ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in markale ay soo laabteen ,waxaana uu ku dhawaaqay go,aano culus oo ay soo gaareen saraakiisha ciidanka badbaado qaran kuwaas oo ka dhanka madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.
sarkaalkaan ayaa waxa uu sheegay in magaalada muqdisho aysan ka bixi doonin inta uu madaxweyne farmaajo madaxtooyada joogo.
Ciidanka badbaado qaran ayaa intaasi ku daray in amniga dalka iyo ilaalintiisa uu xil gaar ah ka saaran yahay islamarkaasna aysan aqbalayn in si fudud lagu burburiyo nabada iyo xasiloonida jira iyada oo dano shaqsiyadeed la wato
arintaan ayaa timid kadib markii uu xoogaystay khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha taasi oo sababtay in madaxweynaha dalka uu ku dhawaaqo in raiisul wasaaraha shaqada ka joojiyay kadibna ay xigtay in ciidamo badan la dhigay xafiiska Raiisul wasaaraha dalkuna uu galay xaalad khatar ah.

