Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kasoo Horjeystay Shaqa Joojin uu Ku Sameeyay Madaxweyne Farmaajo

0
Warkasoo Baxay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa jawaab looga bixiyay shaqa joojin aroortii hore ee saakay lagu sameeyay Raiisul wasaaraha dalka iyo ciidamo xafiiskiisa la dhoobay
Waxaana lagu sheegay in Raiisul wasaaraha uu shaqadiisa si sharci ah u wato balse talaaboyin qaldan oo aan shiciga waafaqsanyn uu qaadayo madaxweynaha dalka
warka lagu faahfaafiyay warbaahinta dowladda ayaana lagu sheegay in ciidamo la dhigay xafiiska raiisul wasaaraha wixii ka dhashana uu qaadayo madaxaweyne maxamed cabdulaahi
Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here