Dowladdaha maraykanka iyo ingiriiska ayaa durbaba cadeeyay cida ay taageersanyihiin xili uu khilaaf xoogan soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa dalka.
Waxaana ay shaaca ka qaadeen in labada shir ee ay ku kala dhawaaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhuba ay raacsanyihiin midka uu iclaamiyay Raiisul wasaare Rooble.
Qoraal kasoo Baxay Safaarada dowladda ingiriisku ay ku leeyahay Soomaaliya ayaa
Waxaa lagu soo dhaweeyay shir dhawaan uu iclaamiyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta maxamed xuseen Rooble shirkaas oo ay isku imaanayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Raiisul wasaaraha.
Uk ayaa qoraalkeeda ku tiri waxaan sii wadeynaa in aan taageerno baaqyada ku aaddan shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu qabanayo Muqdisho ‘madashan muhiimka ah waa meesha ay tahay in looga hadlo cabashooyinka iyo arrimaha kale ee Jira.
Dhankale Safaarada Mareykanka uu ku Leeyahay Soomaaliya ayaa iyaduna qoraal kooban oo ay soo saartay waxa ay ku taageertay shirka golaha watashiga qaran uu isku yeeray Ra’iisul wasaaruhu waxaana ay sheegtay in ay garab taagan tahay talaabooyinka xalka loogu raadinayo cabadaha doorashada
” Waxaan sii Wadeynaa in aan taageerno baaqii ku saabsanaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu qabanayo Muqdisho ,Wada-hadallada toddobaadkan ee madasha ayaa muhiim u ah dardargelinta hannaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka ka yimid.
hadalka dowladaha mareykanka iyo ingiriiska ayaa waxa uu imaanaya xili uu haatan cirka isku shareeray khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka kaasi oo haatan meel xun maraya kadib markii madaxweynaha dalka uu shaaciyay qoraal uu shaqada uga joojinayo Ra’iisul wasaaraha.


