Soomaaliya iyo Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada dal

0

Wasiirka wasaaradda arrimadda Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Luigi Di Maio.

Kulanka Labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dal ee saaxiibadda ah, iyagoo ku heshiiyey in la dardar galiyo arrimaha muhiimka ah ee faa’idada u leh labada dhinac sida waxbarashadda, is dhaafsiga dhaqanka iyo horumarka.

talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada xiriirka wanaagsan uu kala dhexeyo soomaaliya  ,waxaana halkaasi ku sugan muwaadiniin badan oo soomaaliyeed khudhooda la filayo in wasiirku uu xaaladooda iyo waxa ay dowladdu kala socoto in uu kala sheekaysto xukuumada talyaanigu

kulankaan ay yeesheen wasiirrada arimaha dibada soomaaliya iyo talyaaniga ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu muddooyinkii dambe soo wanaagsanaanayay xiriirka soomaaliya ay la leedahay wadamada caalamka islamarkaasna ay xiriiro badan la yeelanaysay wadamo dhowr ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here